HomeUncategorized

Madaxweynaha Puntland oo ugu baaqay dadka reer Puntland iyo beesha caalamkaba inay ka qayb qaataan gurmadka Abaaraha Puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 05-October-2016 kulan uu kula qaatay Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe dhammaan Hay’adaha samefalka ee ka hawl-gala Puntland waxa uu ka jeediyey Ambiil ama baaq ku saabsan abaaraha baahsan ee ka jira Puntland, baaqaas oo uu u diray dadweynaha reer Puntland iyo beesha caalamkaba.

Dhagayso Ex-xildhibaan Siciid Diiriye oo hambalyo u diray dhinacyada ka horyimid rabitaanka Madaxwayne Xassan Shiikh
?Guddiga shaqada & shaqaalaha iyo wasiiru dawlaha maamul wanaaga Puntland oo ka shiray arrimaha shaqaalaha.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa manta 05-October-2016 kulan uu kula qaatay Qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe dhammaan Hay’adaha samefalka ee ka hawl-gala Puntland waxa uu ka jeediyey Ambiil  ama baaq ku saabsan abaaraha baahsan ee ka jira Puntland, baaqaas  oo uu u diray dadweynaha reer Puntland iyo beesha caalamkaba.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey,Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Deeq Saleebaan Yuusuf, Wasiirro iyo dhammaan hay’adaha samefalka ee ka hawl-gala Puntland.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sheegay in ay Puntland ka jiraan abaaro ba’an oo saameeyey dadka iyo duunyadaba isla markaana haddii aan sida ugu dhakhsaha badan wax looga qaban ay halis gelin karto nolosha dadka iyo duunyadaba.

“Raxmadda Eebbe kama aannaan quusan balse waxaan rabaa in aan shacabka reer Puntland iyo beeshaca caalamkaba u sheego in ay Puntland ka jirto khatar weyn oo dhinaca abaaraha ah

Waxaa loo baahan yahay in la sameeyo qorshe ku talo-gal ah, kaas oo looga gaashaamanayo haddii sida aynu u rabno ay wax u dhici waayaan”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu xusay in xilli roobaadkii lasoo dhaafay ee Gu’ga ay yaraayeen roobabkii ka da’ay Puntland sidoo kalena laga cabsi qabo in roobabka dayrta uu dib u dhac ku yimaado ama ay yaraadaan, taa beddelkeena loo baahan yahay in dawlad ahaan iyo shacab ahaanba loo diyaar garoobo sidii loo wajihi lahaa abaarahaasi.

“waxaan rabaa in aan caddeeyo in ay Puntland ka jirto khatar weyn oo dhinaca abaaraha ah maadaama ay yaraayeen roobabkii gu’ga ee lasoo dhaafay lagana cabsi qabo in roobabka dayru ay yaraadaan, sidaa awgeed waxaa loo baahan yahay in aan dawlad ahaan iyo shacab ahaanba u diyaar garowno, beesha caalamkana marwalba taageeradooda waanu u baahanahay”ayuu yiri Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali.

 

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: