Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Madax Ka Socota Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan.

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabiley Madax Ka Socota Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafti ka socode

Xukuumadda Soomaaliya oo taageertay Baaqa Caalamiga ah ee lagu xakamaynayo in hubka qarxa loo adeegsado goobaha bulshada
Cali Khaliif oo eedeeyey wasiiro katirsan Somaliland
Abwaan Cabdilaahi Maxamed Jibriil, Xaalada Puntland ee xiligan oo uu si kulul uga hadlay

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe ku qaabiley wafti ka socodey Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan oo uu hogaaminayey Maamulaha Afrika ee hay’adda Sacad Muhanna.

Kulanka uu Madaxweyne Deni la qaatay Madaxda Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaamac Faarax Xasan, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Seyid Cumar Guuleed, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Cabdirisaaq Xirsi Xasan Cali, Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Hay’adda Samafalka ee Boqor Salmaan ayaa ujeedka socdaalkoodu ahaa mashaariic horumarineed oo ay Puntland ka hirgelindoonaan oo ay ugu horayso dhismaha xarunta mashiinka lagu sifeeyo Kelyaha (Dialysis Machines) oo ay horey uga codsatey Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland iyo ka qayb qaadashada dhismaha iyo dayac tirka cisbitaalka Caasimadda Garoowe.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland Dr. Jaamac Faarax Xasan ayaa ka warbixiyey kulanka.

Hoos kadaawo kulanka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: