Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Isimada Dhaqanka Gobolka Bari.

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Isimada Dhaqanka Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Isimada Dhaqanka gobolka Bari

Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Hantidhowraha Guud ee DFS oo amar duldhigay wasaaradaha iyo hay’adaha dawladda
Itoobiya oo u aqoonsatay Ururka TPLF Argagaxiso

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay qasriga Madaxtooyada Boosaaso kulan kula qaatay Isimada Dhaqanka gobolka Bari.

Kulankan uu Madaxweynuhu la qaatay Isimada dhaqanka ayaa daaranaa is-xog wareysi guud, kaasi oo lagaga arrinsanayey sidii wadajir looga wada-shaqaynlahaa xasiloonida, nabadda iyo wadajirka shacabka Puntland, amniga magaalada Boosaaso iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Isimada dhaqanka gobolka Bari ayaa Madaxweynaha dowladda Puntland ku bogaadiyey wada-shaqaynta dhow uu la leeyahay iyo sida ay uga go’antahay horumarinta Puntland iyo kala shaqaynta amaanka iyo xasiloonida dalka, isimada ayaa Alle uga baryey Madaxweynaha in uu u fududeeyo shaqada adag ee uu shacabkiisa u hayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa uga mahadnaqay isimada wadashaqaynta dhow ee ay la leeyihiin Dowladda iyo sida ay mar waliba uga go’antahay ka shaqaynta amaanka iyo nabada Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu isimada kula dar-daarmay in ay ka qayb-qaataan horumarka ay ku talaabsatay Puntland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: