HomeUncategorized

Madaxweynaha oo ka qaybgelaya shir madaxeedka dowladaha carabta.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta ee berrito ka furmayo caasimadda dalkaasi ee Nowakshood.

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Sabti_05
Xaalada magaalada Muqdisho oo maanta deggan & Khasaarihii dagaaladii ugu danbeeyey oo sii kordhaya.

Madaxweynaha Dowladda Federalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo caasimadda dalka Muratania, si uu uga qeyb galo Shirweynaha 27-aad ee Madaxda Dowladdaha Carabta ee berrito ka furmayo caasimadda dalkaasi ee Nowakshood.

Kulan Madaaxeedkaasi oo socon doona muddo Labo Maalmood ayaa waxaa looga hadli doona Ajendayaal ay soo diyaariyeen Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta, waxaana Ajendayaasha ugu muhiim ka mid ah Arrimaha Yemen, Syria, Libya, Somalia, Falastiin, Faragelinta Iiraan iyo Jesiiradaha ay ka haystaan Imaaraadka iyo Ciiddanka Turkiga ee ku sugan gudaha Iraq.

Ururka Jamaacadda Carabta oo  magaalladda Qaahira lagu asaasay bishii Maarso 22-da ee sannadkii 1945-kii, waxaa xubno ka ah 22 Wadda, kuwaasi  oo kala ah: Masar, Sacuudiga, Iraq, Somalia, Jabuuti, Sudan, Algeria, Bahrain, Kuwait, Jesiirada Komoros, Libya, Syria,Moroko, Muratania, Tunisia, Imaaraadka Carabta, Urdun, Cumaan, Yemen, Qatar, Falastiin, Jesiiradaha Murushiyos iyo Waddaanka Eritrea oo Qaab Goobjooge  ahaan ugu soo biirtay Ururka Jamaacadda Carabta sannadkii 2003-dii

Dhinaca kale, Waddankeenna Somalia waxa uu Ururka Jamaacadda Carabta ku biiray sannadkii 1974-kii.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: