Madaxweynaha Koonfur galbeed oo sheegay inay sugi donaan amniga doorashada

HomeWararka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo sheegay inay sugi donaan amniga doorashada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen howlaha doorashada Xildh

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
Muqdisho Laamaha Amniga oo gacanta ku dhigay Rag dhac geysanayay
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo la dardamay ciidan tababar loo furay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen howlaha doorashada Xildhibaannada labada Aqal ee lagu qabanayo degaannada Maamulkaas.

Laftagareen oo Maanta db ugu laabtay magalada Baydhabo ayaa sheegay inay si weyn u adkeyn doonaan amniga labada Goobood oo ay ka dhacayaan doorashooyinka labada Aqal ee Magalooyinka Baydhabo iyo Baraawe.

Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin in dalka doorasho uu galo, dhankoodana ay qaban doonaan doorasho xur iyo xalaal ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Hadalka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed ( laftagareen) ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan la filayo in dhawaan dalka ay ka bilaawdaan howlaha doorashooyinka, iyada oo la fulinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray magaalada Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: