Madaxweynaha Koonfur galbeed oo la kulmay saraakil ka tirsan UK

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo la kulmay saraakil ka tirsan UK

Madaxweynah Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dowladda Ingiriiska uqaabilsan Koonfur Galbeed lieutenant Colonel Richard iyo Saraakiil Ciidan oo ay Wehlinayeen

Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadleen Xoojinta Amniga deeganada Koonfur Galbeed.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa waxaa looga arrinsaday kordhinta taageerida Dowladda UK ee Tababarida iyo Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida Xogaha ku saabsan ka Hortagida falalka loo maleygayo Shacabka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0