Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta: “ Annagu ogolaan mayno in wax naloyeeriyo”

HomeWararka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta: “ Annagu ogolaan mayno in wax naloyeeriyo”

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelin arrimaha gudaha ee Kenya, si

BANDIIRADLEY, GALMUDUG: Hayaanka Galmudug, Himilada Shacabka & Waddada Dheer (Taxanihii 1aad)
Dowladda Britain Oo Si Rasmi ah Uga Baxaysa Midowga Yurub.
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa digniin u diray dalalka shisheeye isla markaana ka codsaday in aanay soo faragelin arrimaha gudaha ee Kenya, sida ay ku warrantay warbaahinta The Citizen.

Wuxuu sheegay in Kenya aysan ogolaan doonin in wax loo yeeriyo balse ay soo dhawanayaan wadashaqeynta dalalka caalamka.

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad joojisaan isku dayada ku aadan in aad hagtaan, waxaa inoo cad halka aan dooneyno in aan aadno, waxaan idiin ka codsaneynaa in aad nagu soo biirtaan si aad inooga taageertaan si aan wax u qabsanno balse hana soo faragelinina, ma ogolaaneyno in aad wax inoo yeerisaan oo aad ina hagtaan” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalka Madaxweynaha Kenya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xiisada diplumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya ay xoogeysatay, isla markaana aan xal laga gaarin.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: