Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo dib ugu laabtay

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo dib ugu laabtay

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu soo laabtay Magaalada

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Qodobadda kaso baxay shirki Biljamka (dhegayso)
“Puntland marka ay arimaha Federalka u doodayso anaga lafteena Su’aal baa nagu soo laabata,”
CAAWA&DALJIR CABDIFATAAX CUMAR GEEDI (DHAGEYSI WACAN)

Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safarkii uu ku joogay Galmudug isagoo dib ugu soo laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha oo Shirjaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa ugu horayn waxaa uu u mahad celiyay Xukuumada iyo shacabka Galmudug sidii qiimaha lahayd ee ay usoo dhaweeyeen martidii kala duwanayd ee ka qaybgashay shirkii wadatashiga ahaa ee dhawaan halkaas lagu soo gaba gabeeyay.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in Doorashada oo xiligeeda ku dhacda ay wax badan ka tarayso geedi socodka Siyaasada iyo hormarka dalkeena isagoo xusay in mudo kororsi ama xiliga Doorashada oo dib loo dhigo ay ka dhalanayso caqabado aan xalkoodu sahlanayn.

Waxaa uu intaas ku daray Madaxweynahu in si qoto dheer looga wada hadlay khilaafka ka dhexjiray Dowlada Federaalka ah iyo Jubbaland isla markana la is tusayo in xal waara laga gaaro kala aragti duwanaanta iyo sidoo kale in la dhamayn doono xaalada ka jirta Gobolka Gedo dadka ree Jubbaland ayuu Madaxweynahu ugu baaqay in howshaas ay ku gacan siiyaan masuuliyiintooda isla markana loo baahan yahay in laga wada shaqeeyo sidii horay loogu socon lahaa.

Diwaanka wararka

Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: