Madaxweynaha Jubbaland oo heshiis la saxiixday garabyo ka soo horjeeday doorashadiisi

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo heshiis la saxiixday garabyo ka soo horjeeday doorashadiisi

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku guuleystay in uu heshiis rasmi ah la gaaro Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar

Ha moogaan KFC Garoowe!
Shil Gaari Khasaarena Dhaliyey oo ka Dhacay Duleedka Koonfureed ee Boosaaso (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo ka haddlay gogosha wadahadal ee arrimaha Soomaaliya taas dowladda…

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ku guuleystay in uu heshiis rasmi ah la gaaro Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar oo ka mid ahaa xubnihii sidda weyn uga soo horjeeday doorashadii Kismaayo ka dhacday.

Kulan dhowr Maalmood ka socday Magaalada Nairobi ayay ugu dambeyntii ku guuleysteen in ay xaliyaan Khilaafkii ka dhex taagnaa.

Qodobadda ay ku heshiishiiyeen waxaa ka mid ah In ay aqoonsadeen natiijadii Doorashada 22 August 2019, ee lagu doortay Axmed Madoobe.

Waxaa sidoo kale ka mid ah in ay Madaxweyne rasmi ah u aqoonsadeen Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Qodobadda lagu qanciyay ayaa waxaa qeyb ka ahaan doona in ay xubno ku yeeshaan Madaxda Isbadal doonka Jubbaland Golaha Wasiiradda maamulkaasi ee dhawaan lagu dhawaaqi doono.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: