HomeUncategorized

Madaxweynaha Jubba oo beesha caalamka ka dalbaday in lagala shaqeeyo adeegyada bulshada

Kismaayo, October 8, 2013 - Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa diyaarinaya qorshe dib loogu soo celinayo adeegyada bulshada muhiimka u ah ee gobollada maamulku ka taliyo, howshaas ayaa u baahan taageero dheeraad.

Balaarinta Dekedda weyn ee Bosaaso oo Dhawaan la Bilaabayo iyo Ganacsatada oo Baaq loo Diray
Waaxda socdaalka Soomaaliya oo dalka ku baahinaysa meelaha laga heli karo Baasaboorka (Dhegeyso)
QM oo sheegtay in 2.34 milyan oo Soomaali ah ay wali u baahan-yihiin gar-gaar bini?aadatinimo oo dag-dag ah.

Kismaayo, October 8, 2013 – Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa? diyaarinaya qorshe dib loogu soo celinayo adeegyada bulshada muhiimka u ah ee gobollada maamulku ka taliyo, howshaas ayaa u baahan taageero dheeraad ah sida ay sheegeen madaxda Jubba.

Madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo shir jaraa?id ku qabtay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah, waxaana uu ka dalbaday beesha caalamka in laga taageero maamulka dib u soo celinta adeegyada bulshada.

?Arrintan waxay muhiim u tahay bulshada gobolka iyo dadweynaha meel walba oo ay joogaan, waxaan dadaal u galaynaa si kasta oo lagu heli karo adeegyadaas.? Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Docda kale waxaa uu madaxweyne Axamed Madoobe sheegay in dhowaan ay dhamaystiri doonaan hay?adaha kala duwan ee maamulka KMG ah ee Jubba, si loogu talaabsado shaqooyin dhowr ah oo maamulka horyaala.

Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa ugu baaqay hay?adaha gargaarka in ay gobolka yimaadaan oo ay bilaabaan ka shaqaynta adeegyada muhiimka ah, waxaa uu mahad u celiyey hay?ada ICRC oo la wareegtay gacan ku haynta Cisbitalka Kismaayo

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: