Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo salaadda Ciida ku dukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada

HomeWararka

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya oo salaadda Ciida ku dukaday Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada Madaxtooyada Qaranka.

Taliska Saldhigga Magaalada Qardho oo Digniin soo Saaray (DHEGAYSO)
Warka Caweysin, Deeqo Ladan, Daljir Bosaaso (dhegayso)
Ayatullah Hagar oo farriin kulul u diray Somaliland: “Waxaan leeyahay Somaliland waxaad

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carafo ku tukaday Masjidka Shuhadada Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey inuu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: