Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socda QM

HomeWararka

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socda QM

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xarunta Madaxtooyads ee ee Magaalada Jowhar ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga g

FARRIINTA Bulshada Gobolka Sanaag: Diid Soomaali-diidka | Diid Calan-Diidka | Diid Puntland-diidka
Warbixinta munaasbadda sannadguurada 25aad ee asaaska Puntland
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xarunta Madaxtooyads ee ee Magaalada Jowhar ku qaabilay Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo Wafdi ay hoggaaminaysay.

Wafdiga Madaxweynaha uu qaabilay waxaa kamid ahaa Wakiilka hay’adda FAO, Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan Haweenka ‘ iyo Madaxa Xafiika UNSOM ee Hirshabeelle.

Kulanka ayaa waxa uu ahaa is xogwareysi ku saabsan arrimaha bini’aadanimo, amni iyo arrimaha horumarineed ee deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Waxaa sidoo kale dhacay kulamo gaar gaar ah oo qaarkamid madaxda Qaramada Midoobe la yeesheen Wasaaradaha ay shaqo wadaaga yihiin.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugala hadlay
Ku xigeenka Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya sida looga jawaabi lahaa xaaladaha adag ee ka dhashay abaaraha baahsan ee sababay biyo la’aan, cunto la’aan’ barakac iyo dhimasho ku timid dadka iyo xoolaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0