Madaxweynaha Hiirshabeele oo sheegay in la furayo wadada xiriirisa Jowhar iyo Baladweyne

HomeWararka

Madaxweynaha Hiirshabeele oo sheegay in la furayo wadada xiriirisa Jowhar iyo Baladweyne

Kulan loogaga hadlayay sidii la isugu furi lahaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinkq Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay xarunta c

Ayax ku habsaday Tuulooyin hoosyimada degmadda Jariiban (dhegayso)
Xulashada Daljir &Khadar Cawl, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddi magacaabay

Kulan loogaga hadlayay sidii la isugu furi lahaa wadada laamiga ah ee u dhexeysa magaalooyinkq Jowhar iyo Beledweyne ayaa maanta lagu qabtay xarunta ciidamada AMISOM ee magaalada Beledweyne.

Kulankan ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa saraakiil ka tirsan ciidamada Itoobiya, qaar kamid ah xildhibaanada iyo golaha wasiirada Hirshabelle iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa hadlay muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ugu jira Al Shabaab.

“Soomaaliya oo hagaagta waa iyadoo guud ahaan ammaanka geeska afrika oo hagaaga.”ayuu yiri Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyay wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda noo huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka kala xiran ee go’doonka ku jira.

Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: