Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Garsoorayaal cusub

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay Garsoorayaal cusub

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magacaabay garsoorayaal cusub oo ah Maxkamaddaha Sare iyo Rafcaanka e

Golis oo bilowday internet badda toos ah oo xafiiskaaga la gaynayo (daawo)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 40aad
Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Ufayn (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta magacaabay garsoorayaal cusub oo ah Maxkamaddaha Sare iyo Rafcaanka ee deegaanada dowlad Goboleedka Galmudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Qoorqoor ayaa lagu magacaabay Garsoorayaasha cusub, waxaana Maxkamaddaha Gobolada iyo degmooyinka Maamulka loo magacaabay Guddoomiye iyo Garsoor.

Sababta keentay Magacaabista Garsoorayaashan ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo dhameystirka Hay’adda Garsoorka dowlad Goboloeedka Galmudug, isla markaana Qooqoor uu tixgeliyay soo jeedinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Wareegtada uu soo saaray Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa u qorneyd:
Maxkamadda Sare ee Galmudug:

1. Mahdi Cabdullaahi Macalin Nuur- Garsoore
2. Cabdullahi Cabdiqani Sh Yuusuf- Garsoore
3. Maxamed C/llahi Ilbir- Garsoore
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud:
1. Cabdullahi Axmed Cali -Gudomiye
2. Cabdiraxman Xasan Cali -Garsoore
3. Cabdirisaaq Cabdulle Xasan – Garsoore
Maxkamadda Gobolka Galgaduud:
1. Cismaan Cali Maxamed – Guddoomiye
2. Axmed Salaad Kulane – Garsoore
3. Cabdirisaaq Bashiir Sh. Ciise —Garsoore
Maxkamadda Racfaanka Gobolka Mudug:
1. Nuur Cali Culusow – Garsoore
2. Maxamuud Cabdi Cabdulle -Garsoore
Maxkamadda Gobolka Mudug:
1. Xuseen Aadan Axmed -Garsoore
2. Cabdullahi Cabdiraxmaan Maxamed – Garsoore
Maxkamadda Degmada Hobyo:
1. Shaafici Cali Aadan – Guddoomiye
2. Xirsi Maxamuud Xalane – Garsoore
Maxkamadda Guriceel:
1. Maxamuud Jimcaale Xalaned – Guddoomiye
2. Cabdirisaaq Diiriye Faarax -Garsoore
Maxkamadda Degmada Cadaado:
1. Cabdicasiis Ciise Cali – Guddoomiye
2. Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamuud -Garsoore
Maxkamadda Degmada Balanbal:
1. Xuseen Cabdullaahi Yuusuf – Guddoomiye
2. Axmed Aadan Cilmi – Garsoore
Maxkamadda Degmada Cabudwaq:
1. Yuusuf Cumar Maxamed – Guddoomiye
2. Ibrahim Yusuf Maxamuud – Garsoore
Maxkamadda Xeraale:
1. Shariif Ciise Maxamed – Guddoomiye
2. Cabdiqaadir Cabdullaahi Maxamed – Garsoore
Qodobka 2aad:
1. Waxaa lafarayaa dhammaan hay’adaha kala duwan ee Dowladda Galmudug, in ay la shaqeeyaan garsoorayaasha Cusub ee la Magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Qodobka 3aad:
1. Xeerkaan waxuu dhaqan gelayaa marka uu saxiixo Madaxwaynaha Dowladda Galmudug. Waa uuna saxiixay.
Dhmaaad

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: