Madaxwaynaha Jubaland oo xabsiga Itoobiya ku booqday Qalbi-dhagax

HomeWararka

Madaxwaynaha Jubaland oo xabsiga Itoobiya ku booqday Qalbi-dhagax

Madaxwayanaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sugan magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa xabsiga ku booqday Cabdikariin Q

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal, Daljir Bosasso (dhegayso)
Somaaliya oo lagu caawin doono lacag dhan $1.6 Bilyan
Dowlada Kenya oo sheegtay in kursiga QM u adeegsan doonin khilaafka kala dhaxeeya Somalia

Madaxwayanaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo ku sugan magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa xabsiga ku booqday Cabdikariin Qalbi-dhagax oo ah maxbuus katirsan ONLF oo ay dowladda Soomaaliya ee hadda jirta muddo toban bilood kahor ay ku wareejisay dowladda Itoobiya.

Madaxwaynaha Jubaland ayaa la kulmay maxbuuska, isagoona dowladda Itoobiya kala hadlay sidii xoriayddiisa dib loogu celin lahaa.

Kiiska Cabdikariin Qalbi-dhagax ee loogu gacan galiyay dowladda Itoobiya ayaa horay waxaa uu u abuuray inay siwayn uga caroodaan shacabka Soomaaliyeed iyo golaha Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona dowladda Itoobiya ay sheegtay muwaadinkan inuu yahay mid haystay dhalashada dalkeeda ayna xaq uleedahay inay xirto.

Axmed Madoobe oo uu wehliyo wasiirka amniga ee Jubaland Gen. Darwiish ayaa la kulmay raysal wasaaraha cusub ee Itoobiya Axmed Abey.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: