Madaxa DP World: ” Dowladda Federalka ah waxba kama dhihi karto heshiiska Berbera”

HomeWararka

Madaxa DP World: ” Dowladda Federalka ah waxba kama dhihi karto heshiiska Berbera”

Suldaan Axmed Bin Saliim oo ah Madaxa Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka dowl

GAROWE: Daah-furay Madasha wadatashiga ee wax ka qabashada Nafaqo darada (daawo)
DAREEN 17aad: Abaarta SIMA iyo Saamaynteeda
Warka Fiidnimo iyo Faadumo dagan, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Suldaan Axmed Bin Saliim oo ah Madaxa Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka ah iyo Sharikadda DPWorld ee la wareegista Dekadda Magaalada Berbera.

Suldaan ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay ahayd dal madaxbanaan,amaan ah 27kii Sano ee la soo dhaafay sidaas darteedna DPWorld aysan u joojin karin mashaariicda ay ka waddo Somaliland hadalka dowladda Federaalka ah.

“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Madaxa DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.

Waxaa kale oo uu Suldaan Axmed sheegay in iyaga uu xil ka saaranyahay sidii ay u ilaalin lahaayeen saamiga dadka kula jira Mashuurcaasi ee Somaliland iyo Itoobiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: