Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hadashay fatahaadaha wabiga Shabelle

HomeWararka

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hadashay fatahaadaha wabiga Shabelle

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogaga hadlay fatahaadaha ka jira deegaano ka mid ah gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe. Madasha Xi

Caawa & Daljir iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay 15 katirsan Al-Shabaab
Taliska Ciidamadda Xooga oo iska Fogeyeey eedayn uga Timid Madaxda Galmudug (dhegayso)

Qoraal ka soo baxay Madasha Xisbiyada Qaran ayaa loogaga hadlay fatahaadaha ka jira deegaano ka mid ah gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa ay qoraalkooda ku sheegeen in shir aan caadi ahayn ay ku yeesheen aaladda Zoomka ay ugaga hadleen waxyeellada ay gays-teen fatahaadaha Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano hoos yimaad degmooyinka Afgooye iyo Balcad.

Madashu waxay baaq u dirtay Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah, Hay’adaha Somaaliyeed ee samafalka ka shaqeeya, kuwa Caalamiga ah iyo dhammaan ciddii gacan ka gaysan karta, waxayna ku boortisay inay soo caawiyaan shacabka halkaas dhibaatadu kasoo gaartay.

SIdoo kale Madasha ayaa waxa ay qoraalkeeda ku cadeysay inay ka qeybqaadanayaan gargaarka loo fidinayo dadka ay fatahaaduhu saameeyeen.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka madashu ay soo saartay;

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: