MAANHADAL: Madaxbanaanida Soomaaliya (dhegayso)

HomeWararkaMAANHADAL

MAANHADAL: Madaxbanaanida Soomaaliya (dhegayso)

Kulanti wacan oo wanagaansan dhegaystayaal meel walbaad dunida ka joogtaan ku soo dhawadda Barnaamijka Maanhadal oo jimco walba an ku falanqeyno xaala

MAANHADAL: “Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud waxaan leeyahay cagaha dhulka dhig,” martida Maanhadal
MAANHADAL: Falanqeyn khilaafka Cusub ee Barlamaanka & Xukumadda Puntland
MAANHADAL: Arimaha Doorashada Aqalka Sare (dhegayso)

Kulanti wacan oo wanagaansan dhegaystayaal meel walbaad dunida ka joogtaan ku soo dhawadda Barnaamijka Maanhadal oo jimco walba an ku falanqeyno xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo hadba mowduuci taagan.

Barnaamijka Maanhadal Todobaadkan waxaan kusoo qaadan doonaa maanta aragtida ku aadan khariidadda Itoobiya ee lagu daabacay bogga wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya talaabooyinkii kalle ee xiga, iyo sidookale qorshaha Kenya ee dhulka Soomaaliya?

Hadaba ma muuqataa in ay qatar ku soo wajahan tahay madaxbanaanida Soomaaliya? maxayse ka dhigan tahay in iyadoo xaal halkaasi uu marayo ay sii kala fogaanayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa mamaul goboleedyada? su,aalahaas iyo kuwo kale ayaan barnaamijka ku falanqayn doonaa, waxaana marti ku ah darjirihii hore ee Qaramada midoobay ee Soomaaliya Ciidbadal Maxamed iyo Injineer Maxamuud Axmed Xasan Dhagawayne oo labaduba aad ufalanqeeya arimaha siyaasada ee geeska Afrika.

wariye Axmed Sheekh Maxamed Tallman ayaa soojeedinaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Abdallah Ahmed 5 years ago

    asc dhaman bahda radio Daljir
    waxan ani rumaysanahay in maanta wadanku khatar aad u wayna ku soo food leedahay. dhinac waliba waa lahurdaa hurdada halaga kaco

DISQUS: