Maamulka Somaliland oo warar dheraad ah ka soo saaray Cudurka Covid-19

HomeWararka

Maamulka Somaliland oo warar dheraad ah ka soo saaray Cudurka Covid-19

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lag

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Buuhoodle (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka halka hal qof uu geeriyooday.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 14 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.

Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 10 Rag ah iyo Afar Dumah ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yiin 10 ruux Magaalada Hargeysa 4 Ruux Gobolka Saaxil,waxaana dadka la baaray ay da’dooda u dhaxeysaa 20 Sano jira ilaa 80 Jir.

Sidoo kale guddiga waxaa ay sheegene in Cudurka uu u geeriyooday hal qof oo da’diisu tahay 80 jir oo deganaa Magaalada Hargeysa, taasi oo ka dhigeysa dadka xanuunkan u dhintay Somaliland (6) Ruux.

Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 68 Ruux 7 Ruux ay ka bogsoodeen halka 6 qof ay u geeriyoodeen.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: