HomeUncategorized

Maamulka iyo bulshada Burtinle oo Dayactir kawada qaar kamid ah Wadooyinka magaaladda (Sawiro iyo Dhegaysi)

Burtinle April 3-Dayactirkan oo qaybtiisii ugu horaysay maamulku uu ka bilaabay wadada dheer ee dhex marta magaalada Burtinle ayaa waxaa lagu buuxinayaa dhamaan gododka iyo meelaha dayactirka u baahan ee wadadaasi oo in mudo ah burbursanayd dhibna uu ka haystay Gaadiidlayda isticmaasha.

Baahin: Khamiis, Dec 08, Khadar Cawl ~ Daljir ~ Buuhoodle. Mudaaharaad balaaran oo looga soo horjeedo dilal ka dhacay Seemaal oo ka dhacay Boorame, Awdal; Dagaal khasaare gaystay oo ku dhex maray aagagga SOS, Cabdi-waayeel & Manaaradaha ciidanka dawlada & Al-shabaab; Mamaulka gobolka Cayn oo dhaliilay qabanqaabada shirka Khaatumo II.
Tacshiirad hal qof ku dhintay labo kalana ku dhaawacmeen oo galabta ka dhacday Galkacyo.
Xasan Shekh oo ku Baaqay in Dagaalka Al-shabaab lagula jiro la xoojiyo
Burtinle April 3-Dayactirkan oo qaybtiisii ugu horaysay maamulku uu ka bilaabay wadada dheer ee dhex marta magaalada Burtinle ayaa waxaa lagu buuxinayaa dhamaan gododka iyo meelaha dayactirka u baahan ee wadadaasi oo in mudo ah burbursanayd dhibna uu ka haystay Gaadiidlayda isticmaasha.
?
Ololahan oo qayb ka ah barnaamijyo joogta ah oo lagu hormarinayo demada Burtinle ee gobolka Nugaal ayaa Maamulka cusub ee dhawaan degmadaasi loo doortay wuxuu la kaashanayaa qaybaha bulshada ee degmada iyo dawlada dhexe ee Puntland.
?
Guddoomiyaha cusub ee degmada Burtinle mudane Liibaan Xirsi Khaliif oo saxaafada la hadlay ?Radio Daljir ayaa sheegay in maamulka Cusub ee degmadu uu u istaagay sidii uu wadadaas dheer u hagaajin lahaa isagoo la kaashanay dadweynaha reer Burtinle iyo Dawlada Puntland islamarkaana loo muujin lahaa wax wada qabsi iyo isku xirnaan dhab ah.
?
?
Maamulka cusub ee degmada Burtinle wuxuu dhawaanahan ku hawlanaa sidii uu wadashaqayn toos ah ula yeelan lahaa bulshada degmada kadib markii uu shirar kala duwan la qaatay, wuxuuna muujiyaan dadaal iyo firfircoonaan dhab ah oo la xiriirta in uu wax qabad ka muujiyo meelaha ugu daran ee baahiyaha degmada iyo dadweynaha Burtinle.
Inta badan wadooyinka Magaalada Burtinle waxay baabuurtu ku qabaan dhibaatooyin farabadan dadka shacabka ah ee deegaanka iyo Gaadiidleyda isticmaala wadadda laamiga ah ayaa marar badan cabasho ka muujiyey Dayaca Wadada ka jira.
?
?
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)
?
\"\"
\"\"
?
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
?
\"\"
\"\"
\"\"
?

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: