Maamulka Gobalka Banaadir oo ka shiray Amniga Muqdisho

HomeWararka

Maamulka Gobalka Banaadir oo ka shiray Amniga Muqdisho

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray Guddoomiyaha la doortay ee Golaha Shacabka
Xafiiska Caafimaadka DDS oo qaybinaya gaadiidka gurmadda degdegga
Guumays, Cismaan Jango & Heestii Sooley Sooley

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo guddoomiyey kulanka todobaad-laha ah ee Maamulka Gobolka ayaa tilmaamay in barnaamijka Isxilqaan ee DFS ay ka hirgelinayso dalka uu muhiim u yahay dib u dhiska iyo horumarinta Gobolka Banaadir.

Eng.Yariswo ayaa ugu baaqay bulshada iyo Maamulka 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir in ay kaalintooda ka qaataan barnaamijkan, si loo soo celiyo quruxda iyo bilicda ay ku tilmaamnayd caasimaddu.

Kulankan Todobaalha ah ayaa sidoo kale waxaa lagaga hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha ammaanka iyo bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka, si looga hortago falalka Alshabaab ay ka geystaan magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Kuxigeennada Gobolka iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan amniga, arrimaha bulshada iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Gobolka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa uga mahadceliyey shacabka Gobolka dhiirigelinta iyo soo dhoweynta ay u muujiyeen qorshaha dib-u-soo celinta goobaha danta guud ee Caasimada, waxaana la isku raacay in la sii wado qorshahan, dibna loo hirgeliyo goobihii ay ku nasan jireen bulshadu.

Sidoo kale, Guddoonka heer Gobol iyo Heer Degmo ayaa si wada jir ah u bogaadiyey habsami u socodka Koobka Degmooyinka Gobolka Banaadir ee ka socda Garoonka Koonis, iyagoona hambalyo u diray degmooyinka u soo gudbay wareegga labaad.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: