Maamulka Galmudug oo soo bandhigay Ajaanibtii ay qabteen

HomeWararka

Maamulka Galmudug oo soo bandhigay Ajaanibtii ay qabteen

Ciidamada ammaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay rag ajnabi ah oo ka yimid dhanka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lug ku gali

Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Madaxda Shirkadda DP-World. (Sawiro)
Sh Cabdiraxmaan Qoordheere,”Dhismihii Puntland Waxaa Lagu Gaarey Dowlad Soomaaliyeed” (dhegayso)
Maxaa sababay in cudurka duumada ay uga badantahay magaalada Bosaso magaalooyinka kalle?

Ciidamada ammaanka dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xalay gacanta ku dhigay rag ajnabi ah oo ka yimid dhanka Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo lug ku gali rabay degmada Hobyo ee Gobolka Mudug, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Maamulka degmada.

War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in baaritaanno hor dhac ah ay tilmaameen in ay yihiin Maxaabiis muddo fog u xirnaa Al-Shabaab, ugu dambeyna ay iska soo daayeen, ayna ku jiraan gacanta Galmudug.

“ Laamaha ammaanka ayaa wali ku jira baaritaanka raggaan, waxa ayna Galmudug ku wareejin doontaa eheladooda marka uu baaritaanka dhammaado oo ay caddaato in ay yihiin maxaabiis u xirnaa Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa goor sii horeysay Risaala u sheegay in Ragga Ajaanibta ah oo u dhashay dalalka iiraan & Pakistan aysan wax hub ah wadan, balse kaliya laga shakiyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: