Maamulka Galmudug oo ku eedeeyay Puntland inuu farogelin ku hayo Galmudug

HomeWararka

Maamulka Galmudug oo ku eedeeyay Puntland inuu farogelin ku hayo Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Maamulka deriska la ah ee Puntland in farogelin uu ku hayo arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug. Afhayeenka Maam

Wafti Ka Socda Masar oo Gaarey Qardho (codad & sawiro)
GURXAN GYM OO BURTINLE LAGA FURAY AYAA NOQONEYSA XARUNTII UGU HOREEYSEY EE JIMICSIGA IYO JIR DHISKA
Aqalka Wakiilada oo Ruushka ku faro-gelinaya doorashada 2020

Maamulka Galmudug ayaa ku eedeeyay Maamulka deriska la ah ee Puntland in farogelin uu ku hayo arrimaha gudaha ee Maamulka Galmudug.

Afhayeenka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) oo warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in Maamulka Puntland uu farogelin ku hayo uuna uga digayo farogelintaas.

“Waxaan uga digayaa Maamulka Puntland faragelinta ay ku hayso arrimaha Galmudug, haddii ay joojin waayaan ay dadka Reer Galmudug Puntland ka tashan doonaan.”ayuu yiri afhayeenka Puntland.

Hase yeeshee afhayeenka ayaan faahfaahin ka bixin farogelinta uu ku hayo Maamulka Puntland.

Afhayeenka Galmudug ayaa sheegay in Maamulka Puntland oo ah Maamul deris la’ah Maamulka Galmudug inay ilaaliyaan dowladnimada iyo nidaamka,balse isagu uusan ka xumeen inay soo dhaweeyeen hoggaanka Ahlusunna,balse Madaxda Puntland aysan jecleyn in Galmudug dhisanto.

Eedeynta ee Maamulka Galmudug ayaaa ku soo beegmaysa kadib markii dhowaan war saxaafadeed uu ugaga hadlayo xaalada siyaasadeed ee Galmudug ka soo saaray magaalada Garowe Sheekh Maxamed Shaakir oo sheegta inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: