Maalintii saddexaad iyo shahaado siinta xildhibaannada labada aqal

HomeWararka

Maalintii saddexaad iyo shahaado siinta xildhibaannada labada aqal

Guddiga hirgelinta doorashooyin heer federaal ee FEIT ayaa maalintii saddexaad wada shahaado siinya xildhibaannada baarlamaanka labada aqal ee Soomaal

Xulashada Daljir & Xaawo Axmed, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweyne Axmed Madoobe oo guddi magacaabay
Carruur ku geeriyootay dab ka kacay guri ku yaal magaalada Hargeysa

Guddiga hirgelinta doorashooyin heer federaal ee FEIT ayaa maalintii saddexaad wada shahaado siinya xildhibaannada baarlamaanka labada aqal ee Soomaaliya ee dhawaan la doortay.

In ka badan boqol mudane oo iskugu jira labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya ayaa shahaadada xildhibaannimo qaatay labadii maalmood ee hore ee ay socotay shahaado siinya xildhibaannada.

Guddiga aya sheegay in ay xoogga saarayaan dedejinta shahaado siinta xildhibaannada, lana shaqaynayo saacado dheeraad ah si aan looga dib marin Jadwalkii ay horay u soo saareen guddigu ee ahaa dhaarinta xildhibaannadu in ay dhacdo 14ka bishaan Apriil.

Dhaarinta xildhibaannada oo sida qorshaysan loo xafladaynayo, waxaa xigi doona xildhibaannadu in ay doortaan guddoomiye KMG ah oo noqon kara qof ugu da’da weyn baarlamaanka cusub.

Maalinka la doorto guddoomiyaha KMG  ah ee baarlamaanka cusub, waa maalin u dambaysa shaqada guddiga doorashooyinka FEIT, waxaana guddoonka cusub ee KMG ah uu qaban doonaa guddi doorasho oo baarlamaanka dhaxdiisa ah, kuwaasi ayaana qaban doona doorashada guddoomiyayaasha labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya iyo ku xigeennadooda, iyadoo kadibna loo tallaabi doono doorashada madaxweynaha.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: