Lafta gareen oo cadeeyey mowqifkiisa ku aadan warkii Gud. Aadan Madoobe

HomeWararka

Lafta gareen oo cadeeyey mowqifkiisa ku aadan warkii Gud. Aadan Madoobe

Dowladda Koonfur Galbeed waxay soo dhoweynaysaa Shirkii Shalay uu ku Baaqay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane

Cabdiraxmaan Cabdishakuur : “Dowladu Argagixiso iyo Culumo ay mushahar siiso ayey ii adeegsatay si dhiigeyga loo baneysto” (daawo)
Madaxweynaha Puntland oo Kormeer ku tagay maanta Cisbitaalka guud ee Boosaaso.
Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)

Dowladda Koonfur Galbeed waxay soo dhoweynaysaa Shirkii Shalay uu ku Baaqay Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ahaa Shirka Dib-Uheeshisinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed.

Shalay Afhayeenka Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa iclaamiyey qabashada shir dib uheshiisiin ah oo loo qabanayo dadka Reer KGS si loo dhameeyo xurgufta ka dhex jirtay.

Dadka in la heshiisiiyo la rabo waxaa ka mid ah Madaxweyne Lafta gareen,Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Jaamac & Wasiirka Diinta & Awqaafta Mukhtaar Rooboow Abu Mansuur.

Lama sheegin xilliga uu shirka furmayo dib uheshiisiinta ah ee siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya taas oo la leeyahay wax badan ayaa isbedeli doona hadii laga gudbo caqabadihii hor gudbanaa ee muddo salaanta la iska qaadi waayey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: