Kulan-howleed looga arinsayo hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka oo ka furmay Muqdisho

HomeWararka

Kulan-howleed looga arinsayo hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka oo ka furmay Muqdisho

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qodob muhiim ah oo kati

Horumarka Degmada Ufeyn & Hayaanka doorshada qof iyo cod (daawo)
Waraysi :Cudur aan hore loo arag oo ka dilaacay deegaano ka tirsan gobolka Sool (daawo)
Maxaa Looga Hadlay Shirkii Golaha Wasiirada Soomaaliya (Daawo)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan-howleed looga doodayo hannaanka maaliyadda ee nidaamka federaaleynta kaasoo ah qodob muhiim ah oo katirsan dastuurka.

Kulanka oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiin ka kala socotay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Arrimaha Gudaha iyo Maaliyadda ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Ugu horeeyn waxaa shirka ujeedadiisa ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr isaga oo soo dhaweeyay ka qaybgalayaasha shirka ee ka kala socday wasaaradaha dowladda iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac oo kulanka furay ayaa ka hadlay muhiimadda nidaamka maaliyadda u leeyahay dhameeytirka dastuurka.

“Hannaanka Maaliyadda ee nidaamka federaalka waxa uu kamid yahay qodobada maasiriga ah ee u baahan in aragti la yeesho si dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay uga wada shaqeeyaan arrimaha maaliyadda, si taa lamid ah xulashada nooca hannaanka maaliyadda waxa uu kaalin weyn ka qaadanayaa dhameeystirka dastuurka” ayuu yiri Wasiir Saalax.

Ugu damabyn, Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigtay xulashooyin ku saabsan hannaanka maaliyadda ee nidamaka federaalka waxaana labada cisho ee uu kulanku socodo lagu falanqeeyn doonaa xulashooyinka ay soo bandhigeyso wasaaradda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: