Kooxo Burcad badeed ah oo sii daysay muwaadin u dhashay dalka Iran

HomeWararka

Kooxo Burcad badeed ah oo sii daysay muwaadin u dhashay dalka Iran

Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxe u dhashay dalka Iran kadib muddo afar sano oo uu ku jirey gacantooda. Maxamed Sharif Panahandeh

Guddiga qaban qaabada Maalmaha Xoriyadda oo Booqday Wasaaradda Gaashandhiga
Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay la kulankiisa Farmaajo & Dib u heshiisinta Galmudug (Daawo)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii deysay badmaaxe u dhashay dalka Iran kadib muddo afar sano oo uu ku jirey gacantooda.

Maxamed Sharif Panahandeh ayaa la sheegay in la sii daayay kadib markii xanuun uu soo wajahay hase yeeshee illaa saddex badmaax oo la socotay Sharif kana soo jeeda dalka Iran ayaa weli ku jira gacanta koox ka afduubatay xeebaha Soomaaliya sanadkii 2015kii.

Muwaadinkan u dhashay dalka Iran ayaa la sheegay in la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaa oo uu dalkiisa ugaga sii gudbi doono sida ay sheegtay idaacada BBCda.

Kooxda afduubka ku haysatay afartan badmaax ee u dhashay dalka Iran ayaa dalbaday lacag madax furasho ah hase yeeshee illaa iyo hadda ma jirto cid u ballanqaaday amaba siisay lacag madax furasho ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: