Khilaafka Jubbaland iyo DFS (Qormo)

HomeWararka

Khilaafka Jubbaland iyo DFS (Qormo)

Runtii dhamaan Bulshada reer Jubland waxay qabaan walaac badan oo Ku Saabsan Arrinta Siyaasiga ah ee Ka Jirta Jubland iyo Dawladda , waxanna Muhiim Ah

QARDHO: Gudiga Gurmadka oo dhaqaale lagu wareejiyeey
Daljir & BBCMA: BARAARUGGA Haweenka | (Taxanaha 79aad daawo)
Xarun lagu daryeelo haweenka dhibka Jinsiga ahi soo gaaro ayaa laga furay Garoowe (Daawo)

Runtii dhamaan Bulshada reer Jubland waxay qabaan walaac badan oo Ku Saabsan Arrinta Siyaasiga ah ee Ka Jirta Jubland iyo Dawladda , waxanna Muhiim Ah in labada Dhinac ku dadaalaan in qarinamada iyo Wadaniyadu Ay Muuqato

Waxaa Xusid mudan in Axmed Madoobe Yahay Caaqil Wadani ah Hadii Khilaafka Maamulka Jubland iyo Dawlada Loo Mari Lahaa Xal Siyaasi Ah, Waana Shakhsi in Badan Kusoo Jiray Siyaasada Jubland oo Uu Yahay Siyaasi Aragti, Caaqil Fahmaya Waaqiciga Umada Soomaaliyeed ku Nooshahay, Tanaasulna Muujinkara

2006: wuxuu ahaa Gudoomiyaha Jubbada Hoose – Maamulkii Midowgii Maxkamadaha.

2009: wuxuu ahaa Xubin sare oo ka tirsan ururkii Xisbul Islaam

2010: wuxuu Taliyaha ciidamada Xisbul Islaam ee gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubadda Hoose.

May 2010: Wuu ka baxay ururkaa oo wuxu noqday markii dambe ka mid noqday hogaanka ururkii Raas Kaambooni.

Axmed Modoobe, waxaa uu meesha ka saaray AZANIA isagoo dhisay Jubbaland, Maamulka hadda loo yaqaano Jubaland waxaa la dhisay 15-may 2013, kadib 500 oo ergo ah isugu yimaadeen magaalo madaxda Jubada Hoose ee Kismaayo, iyagoo u doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland.

August 15, 2015: Baarlamaanka Jubbaland ayaa si aqlabiyad ku doortay Axmed Madoobe in uu noqdo Madaxweynaha Jubbland 4-ta sano ee soo socota.

22 August 2019 waxa mar kale loo doortay madaxwenaha maamul goboleedka Jubbaland.

Runti Sayid Axmed Islaam (Axmed Madoobe): waxaa diiwaanka taariikhda loogu xardhidoonaa in uu ahaa ninkii uGu horreeyey ee maamul ka yagleelay degaanka Jubbaland oo muddo dheer dagaallo sokeeye ka socdeen isla markaana awood u yeeshay in uu hor fariisto dhammaan raggii iyo beelihii maamulkiisa ka soo horjeestey oo uu ugu danbeeyey Barre Hiiraale oo uu Xamar ku qaabilay xal nabadgelyona ka wada gaaray.

Inkastoo illaa
maanta lagu guuleystay in la baajiyo Hardanka Siyaasiga ah Ee Dawlada iyo Maamulka Jubland, hadana wali arrintu ma bisla, sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa.

1-Dalku wuxuu maraya xili Muhiim ah waana in qof walba uu Muujiyo, inuu qaata masuuliyadiisa.

2-Labada Dhinac waxaan ku boorinaya in wax walba laga hormariyo danta guud, oo la dhowro amaanada shacabka.

3-Khilaafaadka siyaasadeed sida uu u socdo iyo xilliga uu kusoo aaday marka la eego, ma jiro qof ku macaashi kara, sidaa darteed isu tanaasulku waa daawada Ay Bulshada Jubland Iyo Somali-ba Sugayso

4-Madaxda sare waa in ay ogaadaan inuu waqtiga ay Ku Qiimeeyaan Khilaafkooda Siyaasiga ah, oon ula jeedo xiliga dhiman iyo howsha hortaala oo aad u badan.

5-Waxaan soo jeedinaya inaan la toogan rajadda shacabka, oo la muujiyo masuuliyad, oo laga gudbo Khilaafka Siyaasiga ah, taasoo hadii ay dhacdo inuu sii Socdo hoos u dhigi karta rajada caalamku naga qabo iyo in la gaari waayo halkii lagu balamay…….

6-Hay’addaha amniga dawlada waxaan ugu baaqayaa in wadooyinka loo furo bulshada Muqdisho oo laga qaado culeysyada heystay usbuucyadii la soo dhaafay. Ogaada, amni-darrada waxaa looga bixikaraa shacabka oo lagu kalsoonaado, waana shacab dulqaad badan, dowladnimadana jecel.

7-Shacabka waxaan lee yahay niyad-wanaag muujiya, khilaafku waa dhamaadaa laakiin Qaranku mar walba waa jiraa.

Siyaasi: Siciid Cali Ahmed Qurbaawi

Xisbiga: Hiigsi Qaran(Somalia)

Allah Mahad Leh

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: