Khayre: ”Mucaarad iyo Muxaafid, waxaan taariikhda ku geli doonnaa sida aan u ilaalinno Qarannimada, Madax Bannaaninada, Midnimada, iyo Xuduudaha dalka …” (Daawo)

HomeWararka

Khayre: ”Mucaarad iyo Muxaafid, waxaan taariikhda ku geli doonnaa sida aan u ilaalinno Qarannimada, Madax Bannaaninada, Midnimada, iyo Xuduudaha dalka …” (Daawo)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyee

SIDEE AYAY BERRI U DHICI DOONTAA DOORSHADA QOF & COD EE DEGMOOYINKA QARDHO, EYL & UFAYN? (daawo)
Saraakil sheegay in Hubka Dawladda si Qarsoodi ah baa loo iibiyo (Daawo)
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xuska maalinta calanka Soomaaliyeed ee October 12, ayaa caddeeyay in mas’uul walba oo Soomaaliyeed oo fursad u hela metelaadda qaranka, uu taariikhda dalka ku geli doono hadba sida uu uga qayb qaato ilaalinta qarannimada, madax bannaaninada, midnimada iyo xuduudaha dalka.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in Calanka uu macna wayn u leeyahay umadda Soomaaliyeed, uuna u taaganyahay midnimada iyo xornimada ummadda, dhammaan danaha dadka Soomaaliyeedna ay ku jiraan dowladnimada, muhiimna ay tahay in mucaarad iyo muxaafidba dowladnimada la wada ilaaliyo, danta guud laga wada shaqeeyo oo la iska ilaaliyo in dowladnimada laga dhex raadiyo dan gaar ah.

“Qof walba oo naga mid ah, meel walba oo uu dalka ka joogo ama ay ka joogto, mucaarad iyo muxaafad oo fursad u hesha in uu qarankiisa metelo ama ay qarankeeda metesho, waxaa uu taariikhda ku geli doonnaa sida uu u ilaalinno qarinnimada, madax bannaanida, hantida qaranka, Midnimadda, xuduudaha, badda, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed”, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Hoos kaga bogo khudbadda Khayre.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: