HomeUncategorized

Khasaaraha ka dhashay weeraro shalay ka dhacay magaalada Basra ee dalka Ciraaq oo sii kordhaya

Basra, July 16- 2013 - Wararka ka imaanaya dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada Basra ayaa daaha ka qaadaya in khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyo halkaasi ka dhacay ay sii kordhayaan.

Madaxdii Soomaalida oo maantay ka dhooftay magaalada Garowe, iyo ergooyinka kale oo la filaayo berri in ay ambabaxaan.
Barnaamijka ka hortaga Burcad-badeedda, Nov 30_Maxamed Cabdilaahi Cali (Kooshin) _Daljir Garowe.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland oo xilka lawareegey.

Basra, July 16- 2013 – Wararka ka imaanaya ?dalka ?Ciraaq gaar ahaan ?magaalada Basra ayaa daaha ka qaadaya in khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxyo halkaasi ka dhacay ay sii kordhayaan, iyadoo tobbanaan ruux oo rayid ay dhinteen.

Gelinkii dambe ee shalayto ayaa qaraxyo waa weyn oo is xig xigay waxay ka dheceen bartamaha magaalada Basra, halkaasi oo uu ka socday fagaare diimeed iyo dood u dhexeysay dhinacyada sunniga iyo shiiciyiinta dalkaas.

Saraakiisha ?caafimaadka e magaalada Basra ee dalka Ciraaq waxay sheegeen in ?dhimashada oo isa soo taraysa ay haatan gaartay 34 ruux iyo weliba dhaawaca oo kor u dhaafay 80 ruux oo kale, waxaana qaraxyadu ahaayeen kuwo ka dhacay meelo ay dadku ku badan yihiin.

Qaraxyada waa weyn ee ka socda dalka Ciraaq isla markaasha khasaaraha badan dhaliyey ayaa haatan waxay ku soo beegmayaan, ?xili lagu jiro bisha barakaysan ee Rammadaan, waxaana xiliyadan oo kale dalalka Barriga dhexe ka aloosan xiisado la xiriira madhabta shiicada iyo muslimka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: