Khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Shil gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho

HomeWararka

Khasaara isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Shil gaari oo maanta ka dhacay Muqdisho

Laba Ruux ayaa geeriyootay halka hal qof uu dhaawacmay kadib Shil Gaari oo Maanta oo Khamiis ah ka dhacay agagaarka Saldhiga degmada Kaaraan ee Gobolk

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News, Xil kaqaadistii Cabdiqani Carab| Cabdiraxman Yemani ayaa soo jeedinaya barnaamijka (dhegayso)
TALOKEEN: Talooyin ku saabsan Amniga (dhegayso)

Laba Ruux ayaa geeriyootay halka hal qof uu dhaawacmay kadib Shil Gaari oo Maanta oo Khamiis ah ka dhacay agagaarka Saldhiga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Shilka ayaa yimid kadib markii Gaari nooca Xamuulka qaado ah uu jiiray Mooto Bajaaj ay saarnaayeen dad Shacab ah, iyada oo Ciidamada Ammaanka ay qabteen wadihii Gaariga

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga weyn ee Shilka galay ay leedahay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyada oo dadkii Shilkaasi ku dhintay oo saarnaa Mooto Bajaajta la geeyay Xarunta Hay’adda dambi barista ee CID-da.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: