HomeUncategorized

Kenya oo Xirtay Haweeney Al-shabab-nimo loo haysto

Talaad, Abriil 07, 2015 (Daljir) — Ciidamada ammaanka ee magaalada Mombasa Kenya ayaa gacanta kudhigay haweeney looga shakiyey inay xiriir laleedahay Ururka Alshabaab oo dagaal dahsoon kula jira dowladda wadanka Kenya, kana dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Jaamac Abdurahman
DHEGEYSO-Xildhibaan horay loo soo celiyey oo maanta Garoowe lagu doortay mar kale.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo CC Geeddi.

Talaad, Abriil 07, 2015 (Daljir) — Ciidamada ammaanka ee magaalada Mombasa Kenya ayaa gacanta kudhigay haweeney looga shakiyey inay xiriir laleedahay Ururka Alshabaab oo dagaal dahsoon kula jira dowladda wadanka Kenya, kana dagaalama gudaha wadanka Soomaaliya.

Haweeneydaan looga shakiyey inay katirsantahay ururka Alshabaab ayaa lasheegay inay Axadii lasoo dhaafay soo gashay kaniisad loogu baroor-diiqayey dadkii kudhintay weerarkii Jaamacada Gaarisa, kadibna ay dadka ku cabsigelisey inay maqli doonaan Qarax xoogan.

Dadkii Kusugnaa Kaniisada ayaa argagaxay kadib markii haweeneydaasi ku wargelisey inay ka cararaan Kaniisadda hadii kalena ay qarxi doonaan, waxaana dadka qaar ay weceen ciidamada booliska oo ay ku wargeliyeen waxa dhacay.

Ciidamada ammaanka ee Kenya gaar ahaan kuwa magaalada Mombasa ayaa sidoo kalena xabsiga u taxaabay laba gaari oo looga shakiyey inay saarnaayeen hub iyo walxaha qarxa inkastoo aysan sheegin inay Haweeneydaasi xiriir lahaayeen.

By : Abdirashiid Abshir 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: