Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Somaaliya oo maanta furmaya

HomeWararka

Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka Somaaliya oo maanta furmaya

Waxaa goor dhow la filayaa inuu furmo kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu noqdo kalfadhigii u

Wasiirka Beeraha Dowladda Somaaliya oo la kulmay Wafdi WFP kasocda (dhegayso)
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Guddiga dhismaha Laamiga Burtinle oo lacag lagu wareejiyeey (dhegayso)

Waxaa goor dhow la filayaa inuu furmo kalfadhiga 7aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasoo lagu wado inuu noqdo kalfadhigii u dambeeyay, maadaama muddo xileedka labada Aqal uu dhamaad yahay.

Kalfadhiga 7aad ayaa ka duwan kuwii hore, iyadoo Baarlamaanka ay hor-yaallaan sharciyo muhiim u ah geeddi socodka hannaanka doorashooyinka ee la filayo inuu dalku galo bilaha soo socda iyo horaanta sanadka soo socda ee 2021.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu kalfadhiga furo oo uu ka jeediyo khudbadiisa dastuuriga ah, waxaana kalfadhiga furitaankiisa ka dhici doonaa Xarunta Villa Hargeysa.

Farriimo loo diray Xildhibaanada labada Aqal ayaa lagu wargeliyay in kalfadhiga 7aad uu ka dhacayo xarunta Villa Hargeysa, halkii markii hore loo qorsheeyay inuu ka dhaco Dugsiga Booliska ee Jen. Kaahiye, halkaasoo mar kasta Kalfadhiga Baarlamaanka la furayo lagu qaban jiray Munaasabad furitaanka

Wararka qaar ayaa sheegaya in sababaha Xarunta Villa Hargeysa loogu soo wareejiyay Furitaanka kalfadhiga 7aad ay la xiriirto codsi ka yimid Madaxtooyada, halka warar kalena ay sheegayaan arrimo farsamo iyo mid amni ay la xiriirto.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: