Jubbaland oo shuruudo kuxirtay ka qeyb-galka shirkii uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble

HomeWararka

Jubbaland oo shuruudo kuxirtay ka qeyb-galka shirkii uu ku baaqay Ra’iisul Wasaare Rooble

Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen ayaa ka hadlay mowqifka Maamul goboleedka Jubbaland ee ku wareejinta maamulka dooras

Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)
SIDEE SHACABKA BOOSAASO U ARKAAN DOORASHADA GUDOONKA CUSUB EE G/DOORASHOOYINKA HEER FADARAAL

Wasiirka warfaafinta Dowlad Goboleedka Jubbaland Eng Cabdi Xuseen ayaa ka hadlay mowqifka Maamul goboleedka Jubbaland ee ku wareejinta maamulka doorashooyinka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta Soomaaliya.

Eng Cabdi Xuseen oo wareysi siiyay laanta afka soomaliga ee VOA ayaa ku tilmaamay ku wareejinta maamulida doorashooyinka ra’iisul wasaaraha mid qabyo ah balse uu soo dhoweynayo maamulka Jubbalanad.

“Ma wada dhamo oo sidii la rabay ma aha in xukunka uu wareejiyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, waa laga habboon yahay in uu isku dhajiyo ciidamadii ayaa is hor fadhiya, mana ahayn in uu doorashada keliya wareejiyo, hoggaankii ciidanka ayuu weli hayaa waana in uu saxiixaa warqadda xil wareejinta”ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Maamulka Jubbaland ayaa ah maamul goboleedkii ugu horeeyay ee ka hadla in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu iska wareejiyao maamulida doorashooyinka isla markaana aqbalay in dib loogu laabto wadahadaladii teendhada.

Hase yeeshee beesha caalamka iyo qaar ka mid ah musharaxiinta ayaa soo dhoweeyay talaabadii uu qaaday shalay Farmaajo.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: