Jubbaland oo dowladda ku eedeysay diyaaraddii shalay ku gubatay Doolow

HomeWararka

Jubbaland oo dowladda ku eedeysay diyaaraddii shalay ku gubatay Doolow

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa TransallC-

XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO 12- NOVEMBER- 2022
Guddoomiye Xayle Xasan, Boocame: “Shacabku dagaal buu heeggan u yahay waxaana socda kacdoon” (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Dowlad Gobaleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa TransallC-160 NG, kuna suntanayd: EY-360 ayna ka duushay Garoonka Caalamiga ah ee Adan-Cade kuna socotey Degmada Doolow ee
Gobolka Gedo, isla markaana gabi ahaanba gubatey, kadib dab ka kacay gudaha Diyaaradda.

” Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawadu iyada oo ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxay cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ee
Soomaaliya (DFS) faragalinta qaawan islamarkaana hareer-marsan sharciga ee ay ku hayso garoomada diyaaradaha ee Dowlad
Goboleedka Jubaland.

Ugu dambey Wasaaradda Gaadiidka Jubbaland ayaa waxay ugu baaqday DFS inay joojiso faragalinta ay ku hayso Dowlad Gobaleedka Jubbaland dibna ugu soo celiso maamulka garoomada gacanta Dowlad Goboleedka Jubaland si loo maareeyo tayada garoomada loona ilaaliyo badqabka nafta iyo hantida muwaadiniinta soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli siras.i ah uga hadlin diyaaradii ku gubatay degmada Dooloow, balse Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Garaad oo shaaciyay in diyaaradda dabka uu guddaheeda, balse aan cilad ah kajirin Garoonka Diyaaradaha degmada Doolow.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: