HomeUncategorized

Jaamacadda PSU Garowe oo Tababar u soo xirtay Arday dhamaysatay Dugsiyada Sare

Isniin, Ogoosto 10, 2015 (Daljir) — Jaamacadda Puntland State Universtiy PSU waxaa lagu soo gabo gabeyey tartan mudo labo maalmood ka socday gudahah jaamacada PSU Kaas oo ahaa mid loo qabanayey ardayda kasoo qalin jabisay dugsiyada sare ee Puntland kuwaas oo doonay in ay ku soo biiran jaamacaddaha dalka .

DHEGEYSO-Barnaamijkii xulashada iyo Axmed Maxamed Nadiif.
Saraakiil katirsanaa ciidanka Puntland oo shil gaari ku geeriyoodey iyo madaxweynaha oo ka hadlay.
Kenya oo Ciidamo badan keentay xadka ay la wadaagto Somalia

Isniin, Ogoosto 10, 2015 (Daljir) — Jaamacadda Puntland State Universtiy PSU waxaa lagu soo gabo gabeyey tartan mudo labo maalmood ka socday gudahah jaamacada PSU Kaas oo ahaa mid loo qabanayey ardayda kasoo qalin jabisay dugsiyada sare ee Puntland kuwaas oo doonay in ay ku soo biiran jaamacaddaha dalka .

Tabarkaan loo qabanayey ardayda soo qalin jabisay mudadii uu socday tabarbarka ayaa ardayda waxaa lagu barayey waxa yaabo muhiim u ah ardayga marka uu jaamacadda Bilaabayo kuwaas oo ay bixinayeen macaliminta jaamacadad oo ku xeel dheer sida ardayga loo siiyo latalin ka hor inta uusan bilaabin jaamacadda, waxyaabaha ardayga loo tababareyey ayaa waxaa kamid ahaa.

Marka uu ardaygu bilaabayo jaamacadda waxa looga baahan yahay Sida uu udooran lahaa ardaygu kuliyada uu rabo markaas in uu barto fursadaha shaqo oo uu helayo marka uu dhameeyo jaamacadda iyo meelaha uu ka shaqayn karo.  Tabarkaan ayaa waxaa uu dabo socday balan qaada ay jaamacadda PSU horay ugu balanqaday ardayda markii ay ku jireen dugsiga sare.

Waxaana ujeedkiisu ahaa in ay jaamacadda Puntland State University ay ardayda marka ay dhameeyaan waxbarashda dugsiga sare ay u qaban doonto tababar labo maalin ah kaas oo u jeedadiisu tahay in uu san ardayga kala kulmin caqabad waxa uu baranayo marka uu jaamacadda bilaabo taas oo mararka qaar mugdi galisa mustaqbalka waxbarasho,iyogoo maamulka iyo macalimiinta jaamacadda taas ka duulaya waxay bilaabeen in ardayga latalin siiyaan ka hor inta uu san jaamacadda bilaabin ,taas oo u sahlaysa ardayga in uu waxabarashdiisa ku guulaysto.

Jaamacadda PSU oo ah jaamacad marba marka kadanbaysa samaynaysa hormar balaaran waxay markasta diyaar u tahay in kor looqaado tayada waxbarashada mushtamaca,taas oo lagu amaana jaamacadda Puntland State University {PSU} .

Jaamacadda PSU Ayaa labadii sano ee ugu danbaysay waxay kaalinta kowaad ka gashay jaamacaddaha soomaaliya iyadoo sido kale kaalmo fiican ka gashay jaamacadaha afrika aduunkana kaalmo fiican ka gashay.

By: Abdirashid

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: