Itoobiya oo shaacisay dagaalka inay qayb ka yihiin Somaali

HomeWararka

Itoobiya oo shaacisay dagaalka inay qayb ka yihiin Somaali

Taliye ku xigeenka Ciidamada Federaalka itoobiya ahna Madaxa howlgallada Ciidamada Gaashaandhiga dalkaas ,Janeraal Birhanu Jula ayaa sheegay inay Ciid

Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Qardho (dhegayso)
RW Xamse oo Xalay la kulmay Ra’iisul Wasaarayaal hore
Madaxweynaha Puntland oo Qada Sharaf u Sameeyey Musharixiintii u Tartantay Xilka Madaxweynaha Puntland

Taliye ku xigeenka Ciidamada Federaalka itoobiya ahna Madaxa howlgallada Ciidamada Gaashaandhiga dalkaas ,Janeraal Birhanu Jula ayaa sheegay inay Ciidamada ay degaano kala wareegeen Ciidamada xagjiriinta TPLF oo ay kula dagaalamayaan degaannada Tigreega.

Waxaa uu sheegay in ay kamid yihiin degaannada ay la wareegeen yihiin Dhanshan,Barkan, ilaa Shiraaro, degaannadaas oo ay gacanta horay ugu haayeen Ciidamo ka tirsan Kooxda TPLF.

Janeraal Birhanu Jula oo la hadlay Wargayska Addis Zemen ayaa sheegay inay dagaalka ku qabteen Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ka dhisan ee liyuu Boolis & maleeshiyaad kale.

Ugu dambeyn Taliye ku xigeenka Ciidamada Federaalka itoobiya ahna Madaxa howlgallada Ciidamada Gaashaandhiga dalkaas ,Janeraal Birhanu Jula waxaa uu sheegay in Ciidamada federaalka Itoobiya inay burburiyeen hub culculus oo kooxdu gacanta ku haysay, isla markaana ay ku dadaalayaan in Shacabka deegaanka Tigreega in aysan dhibaato kasoo gaarin tallaabooyinka laga qaadayo kooxda xagjirka ah ee TPLF.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0