Ilhan Cumar oo eedeyn xoogan u jeedisay Madaxweyne Donald Trump oo Cisbitaal kujiraa

HomeWararka

Ilhan Cumar oo eedeyn xoogan u jeedisay Madaxweyne Donald Trump oo Cisbitaal kujiraa

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa ku eedeysay madaxweyne Donald Trump in uu si firfircoon u faafinayo fayraska Covid 19, islamarkaana uu halis ku yahay caafi

Allaha unaxariistee D.R Cabdiraxmaan Xaaji Cilmi( Burci) oo Garoowe lagu Aasay(daawo)
Dowladda Jabuuti oo War kaso saartay Xiriirka kala dhexeya DFS
Siyaasi Madaxda Puntland ugu baaqay in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka Puntland (dhegayso|daawo)

Xildhibaan Ilhan Omar ayaa ku eedeysay madaxweyne Donald Trump in uu si firfircoon u faafinayo fayraska Covid 19, islamarkaana uu halis ku yahay caafimaadka bulshada xilli Madaxweynaha laga helay Corona virus.

Ilhan Omar oo sheegtay inuu Aabaheed u geeriyooday cudurkaan ayaa ku eedeeysay maamulka madaxweyne Trump inuu masuul ka yahay geerida in ka badan 200,000 oo u dhimatay Covid19.

“Markii uu sidaas samaynayay, wuxuu horseeday boqolaal xaaladdood ah oo kor u kaca kiisaska Covdi19 ah. Madaxweynaha Mareykanka iyo Jamhuuriyiinta Minnesota waxay si firfircoon u faafinayaan fayras dilaa ah. Waxay khatar ku yihiin caafimaadka bulshada isoo dooratay iyo dalkeenna. ”ayay tiri Ilhan Omar.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump loo qaaday cisbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19.

Aqalka Cad ayaa sheegay in go’aanka loogu qaadayo Xarunta Caafimaadka Milatariga ee Walter Reed “laga qaatay” taxaddar fara badan “.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: