IFJ ” Waxaan aad uga walaacsanahay dhibaatooyinka sii kordhaya ee  saxafiyiinta Soomaaliya

HomeWararka

IFJ ” Waxaan aad uga walaacsanahay dhibaatooyinka sii kordhaya ee saxafiyiinta Soomaaliya

Ururka suxufiyiinta Aduunka ee magaciisa loosoo gaabiyo IFJ ayaa garabkiisa Soomaaliya ee NUSOJ ku taageeray dhaleecaynta Isku dayga lagu xakamaynayo

Covid-19 oo markale soo laba kacaleyeey & dhimashada oo badatay
WASIIR GALAN OO FAAHFAAHIN KA BIXIYAY SABABTII KEENTAY XIL KAQAADISTA AGAASIMAHA CIIDAMADA (PSF) (daawo)
Duqa Muqdisho oo shaqada ka joojiyey shaqaale cabirey oo bixiyey dhul waddo ah

Ururka suxufiyiinta Aduunka ee magaciisa loosoo gaabiyo IFJ ayaa garabkiisa Soomaaliya ee NUSOJ ku taageeray dhaleecaynta Isku dayga lagu xakamaynayo suxufiyiinta madaxa banaan ee ka shaqeeya deegaanada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Cali Xasan Axmed ayaa ku dhawaaqay in dhamaan suxufiyiinta reer Puntland waajib ku tahay inay iska diiwaan geliyaan wasaaradiisa ka hor 15 Oktoobar 2019 si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyadooda. Wasiirka ayaa intaa ku daray in wasaaraddu ay baari doonto khibradda xirfadeedka shaqaalaha warbaahinta ayna meesha ka saari doonto cidii ay ku cadaadto xirfad la’aan saxaafadeed.

Ururka Suxufyiiinta Aduunka ee IFJ ayaa arintaasi u arka mid lagu kordhinayo dhibaataynta iyo xakamaynta xarumaha warbaahinta iyo suxufiyiinta sida lagu sheegay war saxaafadeed uusoo saaray ururka IFJ oo garab siinaya ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.

“Talaabadani waxay muujinaysaa dhamaan astaamaha isku dayga dowladeed ee ku aaddan xakameynta iyo cabsi gelinta saxafiyiinta iyo xarumaha warbaahinta. waa wax la yaab leh in tiro asxaabteena reer Puntland ah la dhibaateeyo iyada oo dowladdu ay ku dhawaaqeyso amarkan sharci-darrada ah qaab lagu xakameynayo suxufiyiinta muhiimka ah, ”ayuu yiri Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee NUSOJ iyo xubin ka tirsan Guddiga Fulinta ee IFJ.

Talaabadan ayaa taba socota isku dayo tacaddi ah oo lagu cabsi gelinayo laguna dhibaateynaayo warbaahinta Puntland. 14,15 iyo 16 ciidan ayaa ciidamo galeen xarumaha Radio Dajir ee magaalada Garoowe iyo Boosaaso ee Puntland iyagoo baaray xafiisyada Idaacada halka 3 dii Isla bishan masuuliyiinta Puntland amreen in la xiro warsidaha Puntlantimes. ayaa lagu yiri war saxaafadeedka uu soo saaray ururka suxufiyiinta aduunka ee IFJ.

“Waxaan aad uga walaacsanahay dhibaatooyinka sii kordhaya iyo hanjabaada loo geysto xuquuqda saxafiyiinta Soomaaliya. Waxaan ugu baaqeynaa mas’uuliyiinta Putland in ay joojiyaan handadaada ayna ixtiraamaan xuquuqda shaqaalaha warbaahinta iyadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ”. ayuu yiri Xoghayaha guud ee IFJ, Anthony Bellanger, wuxuu yiri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: