Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu dilay Xubno ka tirsan Alshabaab

HomeWararka

Howlgal ka dhacay gobolka Baay oo lagu dilay Xubno ka tirsan Alshabaab

In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo ka dha

RW khayre oo Magacaabis sameyeey (Akhriso)
Caawa & Daljir iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Ciidamada dowladda oo bilaabay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab

In ka badan 60 ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka Ceel-dhuun Agoow ee gobolka Baay.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan, ayaa waxa uu qeyb ka yahay, sida ay dowladdu sheegtay, dadaaladii ugu dambeeyay ee lagula dagaalamayo Shabaabka ku sugan Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya howlgalka ayaa waxay sheegtay inay howlgalkan iska kaashanayaan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada qorsheysan ee dhawaan ka billowday deegaannada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu cirib tiro Al-Shabaab, isla markaana lagu soo celiyo nabadda iyo ammaanka deegaanada maamulkaasi.

Howlgalkan ayay dowladdu sheegtay inuu dhabar jab weyn ku yahay Al-Shabaab oo marar badan mas’uul ka ahaa weeraro ka dhacay Soomaaliya iyo dalalka deriska la ah.

Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaysa saaxiibadeeda caalamiga ah, waxay sheegtay inay ka go’an tahay inay ka adkaato Al-shabaab

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: