Hoggaamiyayaal Carbeed oo ka arrinsan doona Colaadda Falastiin & Israel

HomeWararka

Hoggaamiyayaal Carbeed oo ka arrinsan doona Colaadda Falastiin & Israel

Boqorka dalka Urdun, C/llaahi bin Xuseen bin Dalaala iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasin ayaa lagu wadaa inay maanta gaara

KALAMAAN & Corona Virus 3aad (daawo)
Guddiga doorashooyinka Qaranka oo diwaangaliyeey Sadex Urur siyaasadeed (Sawiro)
Ra’iisul Wasaare Rooble oo kormeeray qeybta lixdamaad iyo Dugsiga tababarka Ciidanka ee Baydhabo

Boqorka dalka Urdun, C/llaahi bin Xuseen bin Dalaala iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasin ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan Caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaasi oo ay Kulan Saddex-Geesood ah kula yeelan doonaan Madaxweynaha dalkaasi, C/Fataax Saciid Xuseen Khaliil El-sisi.

Shirkaasi waxaa Ajendayaasha lagu gorfeyn doona ugu muhiimsan: Colaada Falastiin iyo Israel iyo Xukuumadda Israel ee Midigta Fog ee xilka la wareegtay , Mideynta Siyaasada lagu wajahday Israel, Dib-u-eegista dadaalka Nabadda ee u dhexeeya Falastiin iyo Israel.

Sida laga soo xigtay Saraakiisha Masaarida waxaa kaloo Kulankaasi lagu eegi doonaa hadalkii ay Xukuumadda cusub ee Israel ku sheegtay inay ballaaran doonaan ballaarinta Deegaamaynta dadka Yuhuuda ee dhulka La-haysto ee Daanta Galbeed ee Reer Falastiin.

Saddexda Hoggaamiye ee Masar, Urdun iyo Falastiin waxay kaloo Shirkooda ku eegi doonaan Dib-u-heshiisiinta Kooxaha Reer Falastiin, gaar ahaan Dhaqdhaqaaqa Garabka Al-Fatax ee haya Maamulka Reer Falastiin, kuwaasi oo uu Fadhigooda Dhexe yahay magaallada Ramala ee Daanta Galbeed iyo Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS ee xukumayey Marinka Qasa tan iyo sanadkii 2007-dii.

Dhinaca kale, Kulankii u dambeeyey ee ay yeeshaan Saddexda Hoggaamiye Carbeed ee Masar, Urdun iyo Falastiin waxay ku yeesheen magaalladda Qaahira bishii June ee sanadkii hore ee 2022-kii, balse, Kulankooda maanta waxa uu ku soo beegmay iyadoo dib loo doortay RW Israel ee Midigta Fog, Benjamin Netanyahu.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Masar waxay Heshiisyo Nabadeed la saxiixdeen Israel sanadihii 1979-kii, halka ay Dowladda urdun ay Israel la saxiixatay Heshiis Nabadeed sanadkii 1994-kii.

Dowladda Maraykanka ee jaalka dhow la ah Israel ayaa garwadeen ka ahayd Taabagelinta Saxiixa Heshiisyadaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: