Hay’adaha Dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Hirshabelle iyo Xukuumaddiisa

HomeWararka

Hay’adaha Dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Hirshabelle iyo Xukuumaddiisa

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah wasaaradda arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan e

Warka Fiidnimo iyo Najiib Maxamed Faarax, Daljir Qardho (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
MUQDISHO: Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Askari dilay Mooto bajaajle

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee kala ah wasaaradda arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yusuf Ahmed Hagar oo ay wehliyaan qaar ka mida sii hayeyaasha wasiirada Hirshabelle kaasoo u jeedadiisu ahayd in la helo aragtida dowladda Hirshabelle ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay.

Ugu Horrayn, Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dastuurka mudane Mohamed Abukar Zubayr oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in kulankaan ay ujeedadiisu tahay soo uruurinta aragtida dowlad goboleedka Hirshabelle ee ku aadan nuqulka labaad ee dastuurka dib-u-eegista lagu sameeyay. Agaasimahaayaa xusay in Hay’adaha dastuurka ay waqi badan geliyeen sidii dastuurka loo dhammaytiri lahaa, iyagoo shaqo adag ka soo qabtay, maantana uu marayaa gebagebo.

“ Waxaan maanta u joognaa in aad nala wadaagtaan aratidiina ku aadan qodobada dastuurka ee dib – u-eegista lagu sameeyay mid farsamo iyo arrimaha u baahan wada xaajoodka siyaasadeed ee ay idinla wadaageen hay’adaha dastuurka” ayuu yuru Agaasime Zubayr.

Dhanka kale, xubnaha labada gudii ee ka shaqeeya Dib-u-eegista dastuurka oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in hay’adaha dastuurka uu ka soo dhammaaday dastuurkii farsamo ahaan islamarkaana ay la tashiyo badan kala yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed, maantana ay u qabanayaan shirkaan sidii loo soo uruurin laha taladii dowladda Hirshabelle ay ku darsan lahayd dastuurka si loogu daro dastuurka.

Gebgabadii, Madaxweynaha Dolwadda Hirshabelle Cali Guudlaawe oo kulanka soo xiray ayaa ka mahadceliyaya howlaha dowaldda Soomaaliya gaar ahaan hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka ay ka soo qabteen dib-u-Eegista dastuurka, isagoo sheegay in dowladdiisu ay ka shaqyn doonto islamarkaana ay garab ku siin doonto in dadka soomaaliyeed loo dhigo Dastuur ay heshiis ku yihiin doorkoodana ay ka qaadan doonaan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa sheegay in qodobada Farasmada ee dib-u-eegista lagu sameeyay ay aragtidoda lawadaagi doonaan Hay’adaha Diasuurka si loogu daro Dastuurka.
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ayaa dadaal ugu jira sidii loo ansixin lahaa qodoabada farsamada ee dib-u-eegista lagu sameeyay maadaama arrimaha siyaasadda ay heshiis ka geli doonaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: