Hay’ad Mareykanka ka dalbatay in uu magdhow ka bixiyo dad uu ku dilay Somalia

HomeWararka

Hay’ad Mareykanka ka dalbatay in uu magdhow ka bixiyo dad uu ku dilay Somalia

Kaddib markii Waaxda Difaaca Mareykanka ay ku dhawaaqday in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya laga saarayo horanka sanadka 2021 ayaa Hay’adda X

Warka Fiidnimo iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan (dhegayso/daawo)
Xogahayaha Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ), Cumar Faaruuq, oo cambaareeyay xarigga wariyayaasha Daljir
Dowladda Qadar oo Mar Kale Qaadacday Shuruudihii Xuluufada Sucuudiga

Kaddib markii Waaxda Difaaca Mareykanka ay ku dhawaaqday in Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya laga saarayo horanka sanadka 2021 ayaa Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International waxaa ay mareykanak ka dalbatay in uu magdhow ka bixiyo dadkii ku waxyeeloobay duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya.

Kala bixida Ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya macnaheedu maahan in la joojinayo talaabada militari ee Mareykanka ka fulinayo Soomaaliya, oo ay kujireen daraasiin weeraro cirka ah sanad kasta,balse Cilmi-baaristii hore ee Amnesty International ayaa muujisay sida weeraradan ay si isdaba joog ah ugu noqdeen dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah, oo ay ka mid yihiin weerarro u muuqda kuwa ku xadgudbay sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

“Haddii ay ciidamada dhulka ee Mareykanku ka baxayaan iyo haddii kaleba, AFRICOM waa inay si dhakhso leh u hirgelisaa istiraatiijiyad lagu hubinayo inaysan ka tagin wixii horumar ah ee laga gaaro la xisaabtanka ficillada militariga Mareykanka – oo ay ku jiraan warbixintooda ku saabsan dhibaatada soo gaartay rayidka ayaa lagu yiri” Warbixinta Amnesty.

Sidoo kale Amnesty International ayaa sheegtay in ay muiim tahay in AFRICOM hubisaa caddaaladda iyo magdhawga dhibbanayaasha rayidka ah ee ku xadgudubka sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada iyo qoysaskooda, si loo badbaadiyo shacabka.

Tan iyo markii Madaxweyne Trump uu xukunka qabtay 2017, AFRICOM waxa ay kordhisay dagaalka cirka ee ay ka waddo Soomaaliya, iyada oo wadar ahaan qaadday 196 duqeyn cirka ah, iyada oo adeegsanaysa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Sida laga soo xigtay NGO-ga Airwars, waxaa ka mid ahaa 38 weerar 2017; 48 weerar 2018; 61 weerar 2019; iyo 49 weerar ilaa iyo sanadkaan.

Amnesty International waxay baaritaan ku sameysay sagaal duqeyn oo Mareykanku ka fuliyay gobollada Shabeellada Hoose, Galguduud iyo Jubbada Dhexe tan iyo sanadkii 2017-kii waxayna ogaatay in 21 qof oo rayid ah la dilay 11 kalena la dhaawacay.

Dhimashada rayidka ka sokow duqeymahan, iyo weeraro ay fuliyeen Al-Shabaab waxaa ku dhintay kumanaan rayid ah waxaana ku barakacay boqolaal kun. Sida laga soo xigtay Qaramada Midoobay, ugu yaraan 295,000 oo qof ayaa ka tagay Shabeellada Hoose illaa iyo sannadkan, in badan oo ka mid ah waxay ka cararayaan colaadaha iyo amni-darrada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: