Haweenka oo 50% ka helay guddoonka guddiyada Aqalka Sare

HomeWararka

Haweenka oo 50% ka helay guddoonka guddiyada Aqalka Sare

Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad ayaa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka kooban sideed guddi. 1. Gu

Barnaamijka Badbaado Doorka Dhalinta ee Nabadeynta iyo Dimoqraadiyeynta Dalka
Gaadiid dagaal iyo maleeshiyaad lagu wareejiyay dowlada federalka
WARARKII UGU DAMBEYAY EE SHIRKA MUQDISHO (daawo)

Aqalka Sare oo maanta yeeshay kulankoodii 8-aad ee Kalfadhiga Koowaad ayaa ansixiyay xubnaha guddiyada Aqalka Sare oo ka kooban sideed guddi.

1. Guddiga Xeerhoosaadka, Anshaxa, Xasaanadda iyo Daryeelka Sanatarrada, waxaa loo doortay Senator abdiwali habsade.

2. Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, Xaquuqul Insaanka, Haweenka iyo Caruurta waxaa loo doortay Senator Nimco-Ayan Hassan

3. Guddiga Arrimaha Gudaha, Dib u heshiisiinta iyo Xiriirka Dowlad Goboleedyada waxaa loo doortay Senator Deeqo Xuseen.

4. Guddiga Difaaca iyo Amniga waxaa loo doortay Senator Adam Abdinasir

5. Guddiga Arrimaha Dibadda, Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah waxaa loo doortay Senator Maryan Farah Kahiye.

6. Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada, Arrimaha Bani’aadannimada, Warfaafinta iyo Dhaqanka waxaa loo doortay Senator Dr Cusmaan Dufle.

7. Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka, waxaa loo doortay Senator Zeinab Ismail Mohamed.

8. Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda, Ganacsiga, Warshadaha, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska waxaa loo doortay Senator Cabdi Dhuxuloow Dhagdheer

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: