Haweenay 14-sanno Koomo ku jirtay oo Cunug si khaldan looga dhallay (Daawo)

HomeWararka

Haweenay 14-sanno Koomo ku jirtay oo Cunug si khaldan looga dhallay (Daawo)

Haweeneey koomo ku jirtay mudo 14-sano ah ayaa cunug ku dhashay isbitaal ku yaala Hacienda HealthCare magaalada Phoenix ee dalka Mareekanka. Boolis

CABDIRAXMAAN CABDISHAKUUR: “Soomaaliya & Kenya anaga Bad aan lahayn majirto, Bad ay kenya lahaydna majirto” (daawo)
Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxweynaha Puntland oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP. (Daawo)

Haweeneey koomo ku jirtay mudo 14-sano ah ayaa cunug ku dhashay isbitaal ku yaala Hacienda HealthCare magaalada Phoenix ee dalka Mareekanka.

Booliska Arizona ayaa haatan kiiskan yaabka badan baaraya madaama haweeneyda cunuga dhashay ay bukaan ahayd waxaana kiiskan loo diiwaan galiyay xad gudub galmo sharci daro ah (Kufsi) oo lagula kacay qof bukaan ah oo xaalad ogaansho la’aan ku jirta.

Sidoo kalena booliska waxay baarayaan aabaha cunugaan dhalay ayadoo hidaha sidaha ama DNA-ga laga baarayo waana kiis culus oo siweyn saxaafada wadanka mareykanka u hadal heyso.

Haweeneyda aan magaceeda la carbaabin ayaa cunuga dhashay bishii hore December marka ay ahayd 29, sidoo kalana xaalad ahaan cunuga wuu wanaagsan yahay iyadana weli koomo ayay ku jirtaa waa bukaan oo aan ogaal dhameestiran laheyn.

Shaqaalaha iyo madaxda Isbitaalka Hacienda HealthCare marnaba kama war qabin xaalada uurkeeda ilaa markii dambe xanuunkeeda la ogaaday xiliga ay dhalmada ku dhawaatay taasi oo la yaab ku noqotay shaqaalaha kadibna dhalmo bad baado ku jirto loo fidiyay lana war galiyay booliska.

Haatan gabi ahaanba waa la xadiday hooyada aan ogaalka laheyn qolkeeda cidda booqaneyso sidoo kalena guud ahaan qolalka bukaanada Isbitaalka Hacienda HealthCare ku jiraan waxaa loo diiday ragga shaqaalaha ah inay kaligood galaan qolalka dumarka bukaanada ah ku jiraan waxaana qasab ah in shaqaale haween ah la socoto dhaqtar walbo oo lab ah oo bukaan dhidig ah booqanayo.

Madaxda isbitaalka Hacienda HealthCare waxay iska fogeeyeen inay kiiskan ku lug leeyihiin sidoo kalena waxay sheegeen inay booliska 100% baaritaanka kala shaqeyn doonaan diyaarna u yihiin inay gacan walbo ka geestaan soo qabashada dadka sharafka isbitaalka meel kaga dhacay kuna xad gudbay haweeneey 14-sano koomo ku jirtay.

Hoos Kadaawo Warbixin an ka diyaarinay

Xigaso Wargaysa Theguardian https://www.theguardian.com/us-news/2019/jan/13/woman-coma-birth-phoenix-facility-2016-investigation

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    ISKA DAA HAWEENEY NOOL KOOMABA HA KUJIRTEE WAXAA ILAAHAY WAX NOOL KU DHEX IRSAAQAA,KORIYAA DHAGAX MALAASAN DHEXDII,
    (WALLAAHU CALAA KULI SHEY’IN QADIIR)
    OK.
    D I G N I I N.
    WAA MAXAY I.S.I.S.!?
    ISIS WAXAA LOOSOO GAABIYEY:-
    I.S.I.S=ISRAELI SECRET INTELLIGECE SERVICES.
    ISIS LEADER(ELLIOT SHIMON)HE WAS MOSSAD AGENT GO FUCK YOUR SELF YOU ARE JEWISH MISSIONERY & TERRORIST.
    ISIS ISNOT MUSLIMS.I AAMIN ANIGA!!.

DISQUS: