Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo la kulmay dhalinyaro

HomeWararka

Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya oo la kulmay dhalinyaro

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad golaha Cabdi wali Sheikh Ibraahim Muudey ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan

Maxaa Todobaadkii Hore U Qabsoomay Xukuumadda Soomaaliya
Agaasimaha Wasaarada Dekaddaha oo Maanta Kawaramay Shaqadda Dekadda Boosaaso (dhegayso)
Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)

Kusimaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye kuxigeenka koowaad golaha Cabdi wali Sheikh Ibraahim Muudey ayaa xalay magaalada Muqdisho kulan kula qaatay madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed iyo Hir-Shabeelle Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye.

Kulankan ayaa ka dhacay xarunta Villa Hargeysa waxeyna iska xog wareysteen xaaladaha guud ee dalka, waxuuna kulankaan qeyb ka ahaa kulamo ay magaalada Muqdisho maalmahaan Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Hir-shabeelle.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed oo ay ka socdaan howlgalo ka dhan ah Al-shabaab,kuwaasi oo wadaan Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Labada Madaxweyne ayaa maalmihii ugu dambeeyay kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, waxaana ay la kulmaayeen madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya maamul goboleedyada iyo Beesha Caalamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: