HomeUncategorized

Gudiga nabad galyada gobolka Mudug oo maanta Shir-Jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Dec, 29- Waxaa maanta Shir-Jaraa'id si wada jira xarunta maamulka gobolka ugu qabtay duqa degmada Gaalkacyo, gudoomiyaha gobolka iyo wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo garoomada PL.

MURASHAX Axmed Cabdisalaam oo si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Cadaado
Baahin: Arbaca, Mar 23, Weriye Xuseen Madar ~ Daljir ~ Boosaaso. Xaaladda Abaaraha: Wasiirka maaliyadda Puntalnd oo shir ganacsi kaga warbixiyay xaaladda abaaraha iyo dowrka dawladda … Boosaaso: Dib-u-habayn lagu sameeynayo xarunta dawladda hoose ee Boosaaso … Carmo: Duqa degmada oo booqday degaannada abaaruhu saameeyeen kadibna Daljir la hadlay … Garoowe: Tababar loo soo gabagabeeyay saraakiisha wasaaradda xannaanada xoolaha …
DIGREETO-Taliyihii qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday.

Gaalkacyo, Dec, 29- Waxaa maanta Shir-Jaraa’id si wada jira xarunta maamulka gobolka ugu qabtay duqa degmada Gaalkacyo, gudoomiyaha gobolka iyo wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo garoomada PL.


Shirkan Jaraa’id ayay masuuliyiinta kaga hadleen xaaladaha ay ku sugan tahay degmada Gaalkacyo iyo dil xalay magaalada loogu gaystay AUN Gaboobe Aaden Dalab oo ka mida odoyaasha magaalada.


Ugu horayn waxaa shirka ka hadlay duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax oo si kulul u cambaareeyay kooxihii ka danbeeyay dil arxan darraa oo xalay lagu dilay marxuum Gaboobe, duqa ayaa dhanka kale farriin u diray qabaa’ilo uu sheegay inay hub iyo gaadiid ciidan inay magaalada ku dhex isticmaalayaan kuwaasoo uu sheegay inay habboon tahay inay hubkooda magaalada kala dhex baxaan si aysan nabad galyada wax ugu dhimin.

\"\"

Duqa Gaalkacyo Col, Siciid Cabdi Faarax


Gudoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa dhankiisa wuxuu qaybaha kala duwan ee ciidanka Puntland ku booriyay inay xasiloonida faraha ku dhigaan oo ay qabtaan cid walboo khal khal galinaysa daganaashaha dadka iyo deegaanka.

?

\"\"


Gudoomiyaha ayaa dhanka kale shacabka ugu baaqay inaysan wax taageeraa siin shakhsiyaad uu sheegay inay ubadkooda iyo xaasaskooda qurbaha gaysteen, isla markaana doonaya inay bur-bur u gaystaan nidaamka, waalidiinta ayuu ku booriyay inay arimahaasi u dhug hayaan.


Wasiir ku xigeenka duulista hawada iyo garoomada Bashiir Jaamac Maxamed ayaa isaguna ka sheekeeyay muhiimadda ay leedahay nabad galyada, wuxuuna shacabka ku adkeeyay inay ka fiirsadaan wax walboo ay ku dhaqaaqayaan.


Shirkan Jaraa’id ayaa ku soo aadaya xili xalay Gaalkacyo lagu dilay odoy caan ka ah gobolka, kaasoo maanta lagu aasay qabuuraha Bari ee Gaalkacyo.

Diiwaanka Wararka Dajir

Gaalkacyo

(S)

\"\"

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: