Guddoomiyihii gobalka Nugaal oo Aas qaran maanta lagu sameyeey Garoowe (Sawiro)

HomeWararka

Guddoomiyihii gobalka Nugaal oo Aas qaran maanta lagu sameyeey Garoowe (Sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum C

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Axmed Madoobe: “ Waxaa i Muuqata Farmaajo iyo AMISOM inaysan Dacad ka ahayn Dagaalka Alshabaab (Daawo)
Magaalada Muqdisho oo arrimaha garsoorka ee dalka looga hadlayo (sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii hore ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: