Guddoomiye Aadan Madoobe oo Odayaasha Dhaqanka Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

HomeWararka

Guddoomiye Aadan Madoobe oo Odayaasha Dhaqanka Bakool kala hadlay la dagaalanka Al-Shabaab

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Mad

Caawa & Daljir iyo Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (daawo)
Guddoomiyaha Barlamaanka Puntland oo Magacaabay 3-da Xubnood oo Kamid ah xubnaha Gudiga Doorashada Puntland
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe ( dhegayso| daawo )

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Degmada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee Gobolka Bakool ayaa Guddoomiyaha warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay dhaqanku sheegeen inay aad u cakiran tahay, dhammaan magaalooyinka iyo deegaannada gobolka ay Al-Shabaab ayaa Dowladda Federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS. Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay dadaalada ay ku doonayaan inay in Al-Shabaab isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni, wuxuuna sheegay in Dowladda Federaalka ka go’antahay la dagaalanka Al-Shabaab Isla markaana ay gacan ka siineyso xureynta deegaanada ay kaga suganyihiin Gobolka Bakool

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: