Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada

HomeWararka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada oo

Madaxwaynihii hore Koonfur Afrika Mbeki “Soomaaliya waxaan joogay iyadoo xoog leh” (sawiro)
Warka Fiidnimo iyo Zubayr Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan looga hadlaayay amniga doorashada oo ka dhacay teendhada Afasiyooni waxaana ka qeyb galay gudigga doorashada, ciidaamada amaanka Soomaaliyeed iyo kuwa nabad ilaalinta ee ATMIS.
Shirkan oo saacad qaatay ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Guddigga Qabanqaabada Doorashada, ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ciidanka ku amray in musharraxiinta imaaneysa hoolka dooraashada, xildhibanaada, kor-joogtada iyo suxufiyiinta loola dhaqmo si ixtiraam uu ku jiro.
Dhanka kale Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa bogaadiyey dedaalka ciidanka amaanka ay wadaan iyo guddigaba, isaga oo musharaxiinta iyo cid kasta oo hoolka doorashada imaaneysa u sheegay in shaqada ciidanka lagu ixtiraamo taas looga gol leeyahay adkeynta ammaanka doorashada oo ku dhacda si nabdoon

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: